24/06/2026
๐ซ๐๐๐๐๐ถ๐ป: ๐ ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐๐ต๐๐๐ฟ๐ฎ๐ฎ
Khamiista, 10-ka Muxarram 1448H, kuna beegan 25 Juun 2026, waa maalinta barakeysan ee Caashuuraa oo ka mid ah maalmaha ugu fadliga badan sannadka Islaamka.
Maalintan Alle (SWT) wuxuu badbaadiyay Nabi Muuse (CS) iyo kuwii rumaystay, halka uu halaagay Fircoon iyo ciidankiisii.
Rasuulka ๏ทบ wuxuu ka sheegay fadliga soonkeeda:
"Waxaan Alle ka rajaynayaa in uu ku dhaafo dambiyadii sannadkii ka horreeyey."
(Saxiix Muslim)
Alle ha naga aqbalo cibaadadeenna, hana inaga yeelo kuwa hela dambi-dhaafka iyo naxariistiisa.